You are on page 1of 20

5020_CCMW_DC_SOMv4.

qxd:FLEW 4/17/09 4:12 PM Page 1

XEERKA QOYSKA IYO DUMARKA DEGGAN ONTARIO

Heshiisyada
Qoyska

Dumarka oo dhan.
Hal Sharci oo Xeerka Qoyska ah.
Ogoow xuquuqdaada.
5020_CCMW_DC_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:12 PM Page 2

Xogwarrankan waxaa idiin soo diyaariyey


Guddiga Muslimiinta Dumarka Kanada
[Canadian Council of Muslim Women
(CCMW)] si uu dumarka Muslimiinta ah u
siiyo warbixin kooban oo ku aadan xeerka
qoyska ee gobolka Ontario sida uu u quseeyo
bulshada Muslimiinta ah. Waxaan isku
dayeynaa in aan ka jawaabno su’aalaha ugu
muhimsan oo ku saabsan sida shareecada
Islaamka loogu isticmaali karo xallinta
khilaafaadka qoyska kolka la joogo Kanada.

2 HESHIISYADA QOYSKA
5020_CCMW_DC_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:12 PM Page 3

Heshiisyada Qoyska

Buugan yar waxaa loogu tala galay in lagugu siiyo


warbixin gaaban oo ku saabsan arrimaha khuseeyo
sharciga. Xogtan ma lagu beedeli karo xogta gaarka
ah iyo caawinaada qofka loo fidiyey oo sharciga ku
saabsan. Haddii arrintaada ay khuseyso sharciga
xeerka qoyska, raadso la talin sharci ah sida ugu
dhaqsiyaha badan si xaqaada aad u dhacsato.
Xogwarran dheeraad ah ee ku saabsan sida aad u
heli lahayd qareenka arrimaha xeerka qoyska,
lagacna aad u siin lahayd, ka fiiriso buuga yar ee
FLEW oo ku magacaaban “sida aad u heli lahayd cid
kaa caawinta dhibaatada xeerka qoyska” oo ku qoran
shabakadda FLEW oo ah www.onefamilylaw.ca.

Heshiisyada qoyska awaa kuwo sharci


ah oo qeexayo xiriirka ka dhaxeeyo
qoyska. Heshiisyada qoyska waxaa ka
mid ah heshiisyada wada noolaashaha,
heshiisyada guurka iyo kala tagidda.
Heshiisyadan labada qof dhexmara
waxaa lagu caddeeyaa arrimaha la
xiriira wada noolaashadiina.
Heshiisyadan waxaa kaloo loo
sameystaa in lagu caddeeyo xaqqa iyo
xuquuqda uu qof kasta leeyahay marka
la kala tago.

CANADIAN COUNCIL OF MUSLIM WOMEN (CCMW) 3


5020_CCMW_DC_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:12 PM Page 4

Heshiisyada qoyska waa in ay qoraal


ahaadaan si ay sharci u noqdaan.
Labadiinaba waa in aad qof markhaati
ah hortiisa ku saxiixdaan. Si wax looga
beddelo ama loo buriyo heshiiskan, waa
in la maraa sharciga, macnaha waa in
qoraal wax lagu beddelo, laguna saxiixo
qof markhaati ah hortiisa.

Xuquuq muhim ah ayaa lagu lumin


karaa heshiisyada qoyska. Waxaad ku
lumin kartaa xuquuqda hantida iyo
masruufkaada. Inta aadan saxiixin
heshiis kasta oo qoyskaada ku
saabsan kolka hore Latasho ruux
qareen ah.

Noocyada heshiisyada qoyska


ka mid ah
Heshiiska qoyska:
Adiga iyo jaalkaada waxaad kala saxiixan
kartaan heshiiska qoyska marka aad
isguursataan ama ka horba. Haddii aad
diyaarsataan inta aadan is guursan,
waxaa lagu magacaabi karaa heshiiska
hor-dhaca guurka.

4 HESHIISYADA QOYSKA
5020_CCMW_DC_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:12 PM Page 5

Qodobada heshiiska guurka waxaa ka


mid ah
· sida xiriirkiina uu ahaanaayo,
(tusaale ahaan, waxaad ku heshiin
kartaan in ay gooni idiin kala
ahaado lacagta);
· sida aad ku heshiin lahaydeen kolka
uu xiriirkiina idlaado (tusaale
ahaan, sida aad u kala qeybsan
lahaydeen hantida guriga, iyo
masruufka uu bixin doono ruuxa
kale inta uu la egyahay).

Heshiiskan guurka ah waxaad kaloo


ku go’aansan kartaan in labadiinaba
aadan codsan doonin masruufka sayga
kale haddii la kala tago. Heshiiska
guurka kama hadlaayo arrimaha
xanaaneynta iyo ka warqabka
caruurta. Xanaaneynta, ka warqabka
iyo masruufka caruurta waxaa la
go’aamin kara marka aad adiga iyo
saygaada kala tagtaan oo keli ah.

CANADIAN COUNCIL OF MUSLIM WOMEN (CCMW) 5


5020_CCMW_DC_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:12 PM Page 6

Guriga reerka iyo heshiiska guurka


Haddii aad is qabtaan adiga iyo saygaada,
waxaad xaq u leedahay kala qeybsashada
hantida reerka, oo ay ka mid tahay guriga
aad ku wada nooshihiin. Guriga waxaa lagu
magacaabaa Guriga Reerka Isqaba.
Digniin. Waxaad lumin kartaa xaq
ayahaada dambe wax u dhimi kara.
Sharciga wuxuu leeyahay adiga iyo
saygaadaba xaq ayaad u wada leedihiin
in aad isku si ugu wada noolaataan
guriga reerkiina. Sharciga wuxuu kaloo
leeyahay ruux labadiina ka mid ah ma
iibin karo ama dayn kuma qaadan karo
guriga ayadoo aan ruuxa kale amar laga
haysan. Heshiiska guurka idin
dhexyaalo ma beddeli karo
qodobkan.

6 HESHIISYADA QOYSKA
5020_CCMW_DC_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:12 PM Page 7

Heshiiska guurka waxaa loo isticmaali


karaa si xun oo looga hareer maro xaq
aad u muhimsan oo ku saabsan guriga
reerka uu leeyahay. Sharciga wuxuu
leeyahay adiga iyo saygaadaba nus ka
nus ayaad u wada leedihiin qiimaha
gurigiina. Kolka aad kala tagtaan waad
kala qeybsaneysaan guriga iyo hantida
kale oo reerka isla leeyahay iyo wixii
dayn ah oo reerka lagu leeyahayba
Ruuxa guriga magaciisa ku qoran iyo
ruuxa lagacta wada bixiyey waa isku xaq
ayuu leeyahay sharciga. Xitaa haddii uu
ruux horey guriga u lahaa inta aadan is
guursan hadda wuu idinka wada
dhaxeeyaa. Saygaada wuxuu kaa codsan
karaa in aad saxiixdo heshiis qeexayo in
aadan gurigan ama ku kale aadan wax
ku lahayn ama xaqqaada uu yahay mid
ka yar inta aad yeelan lahayd. Sharciga
wuu ogolyahay in sidaa lagu heshiiyo.

CANADIAN COUNCIL OF MUSLIM WOMEN (CCMW) 7


5020_CCMW_DC_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:12 PM Page 8

Heshiiska guurka oo si Muslinnima ah


loo galo (mararka qaar lagu magacaabo
nikahnameh, aqd al-zawáj ama aqd)
wuxuu noqon karaa heshiis guur haddii
uu fuliyo shuruudaha looga baahanyahay
heshiisyada guurka sharciga ah (Waa in
aad qof markhaati ah hortiisa ku
saxiixdaan adiga iyo saygaadaba).
Heshiiska guurka muslinnimada ku
saleysan qodobada looga hadlaayo waa
isla kuwii. Taa macnaheeda waxay tahay
nikahnameh waxaa loo isticmaali karaa si
xun oo looga hareer maro xaq aad u
muhimsan oo ku saabsan guriga reerka
uu leeyahay, sida horey loogu sheegay.
Qodob kasta oo la xiriira xanaaneynta
caruurta (“aabaha ayaa la wareegaayo
xanaaneynta wiilashiisa marka ay
gaaraan 6 jir”) ma la fulin karo.
Xitaa haddii ay naagta saxiixdo
nikahnameh oranaayo saygeeda
ayaa mas’uuliyadda xanaaneynta
caruurta la wareegaayo, waxay aadi
kartaa maxkamadda si ay u
go’aamiso xanaaneynta iyo ka
warqabka caruurta.

8 HESHIISYADA QOYSKA
5020_CCMW_DC_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:12 PM Page 9

Heshiiska isla
wado-noolaashaha
Heshiiska isla wado noolaashaha waa
sida heshiiska guurka oo kale, laakiin
wuxuu dhex marayaa dad isla nool oo
aan is guursan.
Heshiiska isla wada noolaashaha
wuxuu ka hadli karaa inta arrimood uu
ka kooban yahay heshiiska guurka.
Heshiiska isla wado noolaashaha ah
kama hadli karo arrimaha ku saabsan
xanaaneynta, ka warqabka ama
masruufka caruurta. Arrimahan waxaa
laga hadli karaa kolka aad kala tagtaan
oo keli ah.
Waa muhim in la ogaado in xeerka
qoyska qeybtiisa ku aadan qeybsiga
hantida reerka ma quseeyo reerka ku
wada jooga guur aan sharciyeysneyn.
Marka reer wada noolaasho ka
dhaxeysay ay kala tagaan, guriga ay ku
wada noolaayeen wuxuu u harayaa qofka
magaciisa uu ku qornyahay.

CANADIAN COUNCIL OF MUSLIM WOMEN (CCMW) 9


5020_CCMW_DC_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:12 PM Page 10

Haddii adiga iyo saygaada aad


saxiixdeen nikahnameh ama aqd
kaddibna aad si Muslinnimo ah isku
guursataan oo aan madani ahayn sida
uu faraayo sharci goboleedka Kanada,
heshiiskiina wuxuu la mid yahay kii isla
wada noolaashaha oo kale. Haddii adiga
iyo saygaada aad ku heshiisaan “guurka
nooca qarsoodiga ah” (mutah, urfi ama
guurka sirri), guurkaada wuxuu la mid
yahay kii isla wada noolaashaha marka la
eego sharciga Kanada. Haddii aad ku talo
jirto guurka noocan ah waa in aad
latashataa ruux qareen ah.

Heshiiska kala tagidda


Heshiiska kala tagidda wuxuu ka mid
yahay noocyada heshiisyada qoyska.
Waxaad isticmaali kartaa heshiiskan
marka aad kala tagaysaan adiga iyo
saygaada si aad u xallisaan arrimahiina
kala tagga ku aadan. Heshiiskan wuxuu
idin dhex mari karaa haddii aad sharci
isku qabteen ama haddii heshiis wada
noolaasho idinka dhaxeeyey. Heshiiskan
kala tagga ah waxaad ku qeexi kartaan
ciddii xannaanaynta caruurta qaadi
lahayd, ciddii ka warqabi lahayd,
masruufka caruurta iyo sida loo qeybsan
lahaa guriga iyo hantidiisa.

10 HESHIISYADA QOYSKA
5020_CCMW_DC_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:12 PM Page 11

Adiga iyo saygaada waxaad heshiis


ku gaari kartaan in aad kala saxiixataan
heshiiska kala tagga si aad u xallisaan
arrimahiin qaarkood maxaa yeelay:
· in la wada-hadlo way sahlantahay
wayna ka dhib yartahay in laysla
tago maxkamad;
· adigaa ayaa awooda iska leh wixii
heshiiska lagu qori lahaa;
· waxay u badan tahay in adiga iyo
jaalkaadaba aad fulisaan heshiiskan
maxaa yeelay idinka ayaa ku
heshiiyay qodabadiisa kolkii horaba.

Dumarka waxaa badanaa lagu


cadaadiyaa in ay ka sabraan xaqooda ku
aadan masruufka ama mahrka marka la
kala tagaayo si ay u hesho furitaan diinta
waafaqsan. Ka digtoonaw heshiiska
noocan ah maxaayeelay maxkamadda
kuma qasbi karto saygaada in uu si diini
ah kuu furo haddii uu fulin waayo
ballantiisa. Mar kasta latasho ruux
qareen ah inta aadan saxiixin
xeshiiska kala tagidda.

CANADIAN COUNCIL OF MUSLIM WOMEN (CCMW) 11


5020_CCMW_DC_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:12 PM Page 12

Sidee loo fuliyaa heshiisyada


qoyska?
Heshiiskiina qoyska waxaad ka diwaan
gelin kartaa maxkamadda. Haddii aad
sidaas yeeshid, qodobada ku qoran
waxay la mid yihiin go’aan maxkamadda
ka soo baxay oo la fulin doono. Waa in
aad maxkamadda ka diwaan gelisaa
heshiiskiina si aysan dhibaato u dhicin
berrito. Maxkamadda dib u eegi mayso
heshiiskan, haddii aysan dhibaato idin
dhex-marin labadiina.
Badanaa, maxkamadda waxay fulisaa
waxa aad ku wada heshiisaan. Inta aadan
saxiixin heshiiska qoyska, latasho
ruux qareen ah. Iska hubi waxa ku qoran
heshiiska. Iska hubi in xuquuqda uu
heshiiskan ku siiyey aysan ka duwaneyn
xuquuqda aad sharci ahaan u leedahay.
Ruuxa qareenkaada ah wuxuu kuu soo heli
karaa xogwarran buuxa ee ku aadan
dhaqaalaha jaalkaada si aad go’aan fiican
uga gaartid heshiiska.

12 HESHIISYADA QOYSKA
5020_CCMW_DC_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:12 PM Page 13

Mararka qaar dadka waxay ku


darsadaan heshiiskooda qodobo ka
baxsan sharciga xeerka qoyska Kanada.
Tusaale ahaan, waxaa ku jiri kara qodobo
ah in laysku furo si islaami ah, ama in la
xoojiyo dhaqanka iyo diinta. Sida badan,
sharciga xeerka qoyska Kanada ma kaa
caawini karo fulinta qodobada noocan ah.
Hal maxkamad oo ku taal gobolka
Ontario ayaa cadeysay in maharku uusan
ahayn sharci madani ah, sidaas darted
aysan maxkamadda fulin karin
go’aankaas. Mar dhoweed, maxkamadda
ugu sareyso Kanada ayaa qof dumar ah
oo gobolka Quebac deggan u ogolaatay
in ay ku dacweyso saygeedii hore in uu
siin waayey Get, furitaan nooca Jewishka
ah, oo uu ku ballan qaaday heshiiskoodii
hore oo kala tagga ku aadanaa.
Haseyeeshee, maxkamadda waxay u
caddeysay kolkii horeba in ay san qasbi
karin saygaasi haddii uu raadsado
furiinka nooca Jewishka ah; laakiin
maxkamadda waxay u ogolaatay lagac
magdhow ah in looga qaado bacdamaa
uu heshiiskii jebiyey. Arrintan waa mid
cusub oo sida loogu dabaqi karo dumarka
Muslimka ah oo deggan Ontario lama
garan karo weli.

CANADIAN COUNCIL OF MUSLIM WOMEN (CCMW) 13


5020_CCMW_DC_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:12 PM Page 14

Inkastoo sharciga xeerka qoyska


Kanada uusan ku qasbi karin saygaada
in uu si diini ah kugu furo, haddana
wuxuu oranayaa sayga uma isticmaali
karo furitaanka diiniga ah in uu kaga
faa’ideysto waan waanta xeerka qoyska
u tilmaamayo. Haddii saygaadii hore uu
isku deyo in uu kaa hor istaago in aad
dib u guursato asagoo adeegsanaayo
qodobka diiniga ah, maxkamadda way
hor istaageysaa codsigiisa ku aadan
arrimahiisa xeerka qoyska ama waxay
gaari doontaa go’aan ah in uusan asaga
ka doodi karin arrimahiisa xeerka qoyska
ku aadan. Maxkamadda waxay kaloo
nasakhi kartaa heshiiskii aad wada
gaarteen haddii ay ogaato in uu ka
faa’ideystay heshiiskaas oo uu helay sida
uu wax u rabay asaga oo ku hanjabay in
uu hor istaagi doono guurkaada dambe
ee diiniga ah.

14 HESHIISYADA QOYSKA
5020_CCMW_DC_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:12 PM Page 15

Heshiis aan xaq ku dhisnayn


maxkamadda ma bedde-
leysaa?
Waa in aad maxkamadda ka dacwootaa
haddii aad damacdo in aad ka doodo
heshiiska qoyska ee idin dhexmaray
adiga iyo saygaada. La soco,
maxkamadaha ma jecla in ay fara
geliyaan heshiisyada noocan ah. Xaqaada
wax ka yar ayaa lagu siiyey darted
maxkamadaha uma fara geliyaan
heshiisyada. Sida keli ah ay maxkamadda
ku soo fara gelin karto heshiiskiina waxay
tahay adiiga oo soo caddeeya:
· in jaalkaada uu ka been abuuray
dhaqaalahiisa;
· in saxiixa heshiiska lagugu
khasbay;
· in uu heshiiska yahay mid si xad
dhaaf ah cadaaladda uga fog.

CANADIAN COUNCIL OF MUSLIM WOMEN (CCMW) 15


5020_CCMW_DC_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:12 PM Page 16

Maxkamadaha badanaa ma fara


geliyaan heshiiska ku aadan qeybsiga
hantida guriga. Waxay u badan tahay in
ay wax yar ka beddelaan heshiiska ku
aadan masruufka. Maxkamadda waa
laga yaabaa in ay heshiiska wax ka
beddesho haddii xaaladda hadda aad
ku sugantahay ay wax badan ka
duwantahay tii ahayd marka aad
heshiiskan saxiixeysay.
Haddii heshiiska laysku qabsado,
waxaa laga yaabaa in maxkamadda ay
qayb heshiiska ka mid ah ay ka saarto
halkaas. Haddii qeybtan laga saaray ay
tahay midda ugu muhimsan heshiiska oo
idil, maxkamadda waxaa laga yaabaa in
ay heshiiska oo idil ka dhigto mid aan
sharciga waafaqsaneyn. Sidaa haddii ay
dhacdo, adiga iyo jaalkaada waa in aad
dib u soo heshiisaan, haddii aadan
heshiin karin waa in aad maxkamadda ka
codsataan in ay idinla xalliso arrimahiina.

16 HESHIISYADA QOYSKA
5020_CCMW_DC_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:12 PM Page 17

Dhacdo:
1. Ismael iyo Amna inta aysan is guursan
waxay isla galeen heshiis nikahnameh
ah. Heshiiska wuxuu qeexayaa in haddii
la kala tago ay Amna mas’uuliyadda
xanaaneynta caruurta oo idil ku wareejin
doonto Ismael. Asaguna wuxuu ballan
qaadayaa in uusan is hortaagi doonin
furitaan diini ah haddii ay codsato, ama
bixinta maherkeeda. Heshiiskan ma la
fulin karaa sharci ahaan?
Jawaab: Heshiiska guurka laguma
qeexi karo arrimaha xanaanaynta
caruurta, Sidaas darteed Amna xaqbey u
leedahay in ay maxkamadda weydiisato
mas’uuliyadda xanaanada caruurta.
Maxkamadda waa in ay tixgelisaa
meesha ay “danta caruurta” ku jirto
marka ay gaareyso go’aanka ku aadan
mas’uuliyadda iyo ka warqabka caruurta.
Waa arrin sharci ah oo tixgelin badan u
baahan. Maxkamaddu lagama yaabo in
ay farageliso arrinta maherka in la bixiyo
iyo in kale maxaayeelay maxkamadaha
gobolka Ontario way ka leex-leexdaan in
ay faraha la galaan arrimaha sharciyada
diinta ama dhaqanka ku aadan.

CANADIAN COUNCIL OF MUSLIM WOMEN (CCMW) 17


5020_CCMW_DC_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:12 PM Page 18

2. Mustafa iyo Miriam way kala tageen.


Miriam aabaheed ayaa la xaajooday
Mustafa oo la saxiixday go’aan ku
saabsan furiinka gabadhiisa. Heshiiska
wuxuu leeyahay Miriam way ka
tanasuleysaa maherkeeda ayaduna
waxaa lagu furayaa habka diiniga ah.
Heshiiskan ma ansaxbaa, si sharci ahna
ma loo fulin karaa?
Jawaab: Heshiiskan ma ahan furiin
si sharci ah loo fulin karo maxaayeelay
Miriam ma aysan saxiixin.
Xitaa haddii uu heshiiska ahaan lahaa
heshiis guurka waafaqsan, khasabka ah
in laga tanasulo maherka si qofka loogu
furo hab diin ah ma ahan wax sharci
ahaan loo fulin karo.

18 HESHIISYADA QOYSKA
5020_CCMW_DC_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:12 PM Page 19

CANADIAN COUNCIL OF MUSLIM WOMEN (CCMW) 19


5020_CCMW_DC_SOMv4.qxd:FLEW 4/17/09 4:12 PM Page 20

Buugan yar waxaa soo diyaariyey hay’adda “ Family


Law Education for Women (FLEW)”, waana mashruuc
loogu tala galay in lagu hanuuniyo bulshada waxaana
maalgeliyey dowladda dhexe ee Onraio. Hay’adda
FLEW ujeedada ay ka leedahay buugan wuxuu yahay
in ay dumarka ku siiso xogwarran ku saabsan
xaqqooda ku cad xeerka qoyska ee Ontario.
Hay’adda FLEW waxay kaloo soo saartay qoraalo ka
hadlaayo mowduucyada ah: Siyaabaha kale ee lagu
xallin karo khilaafaadka; xanaaneynta iyo ka
warqabka; badbaadinta caruurta; masruufka
caruurta; xeerka qoyska iyo kan dambiyada;
xeshiisyada qoyska; gar-qaadidda xeerka qoyska;
xeerka qoyska iyo dumarka soo galootiga ah,kuwa
qaxootiga ah iyo kuwa aan sharciga lahayn; guurka
iyo furiinka; sida aad u heli lahayd cid kaa caawinta
dhibaatada xeerka qoyska; qeybinta hantida reerka
iyo masruufka xaaska. Haddii aad rabti warbixinno
kale oo ku diyaarsan luqado kale iyo noocyo kale,
fadlan ka fiiri shabakaddat www.onefamilylaw.ca iyo
www.undroitdefamille.ca.

Buugan waxaa la heli karaa asagoo luqado kale ku qoran. Fadlan eeg shabakadda www.onefamilylaw.ca
si aad u hesho warbixin dheeraad ah. Websaaydka waxaad kaloo ka heleysaa buugag badan oo kaa
caawinaayo sida aad u aqoonsan lahayd xaqaada ku qoran sharciga xeerka qoyska.

Canadian Council of Muslim Women


www.ccmw.com

DC/SOM 002

You might also like